THINK AND GROW RICH

FIKIR OO HODAN NOQO

THINK AND GROW RICH FIKIR OO HODAN NOQO

Waxaa jira 13 xeer oo ku gaadhi karaysid

Hodantinimada aad doonaysid waa hadii aad dabbaqdid/ku dhaqantid waa 13 xeer oo 25sano baarid lagu sameeyay dadka maanta magaca kuleh ama taajiriinta caalamka aad ke helaysid hadii aad baarto

Xeerka 1 waa doonis/himad

        Halka ay guusha kabilaabato

Qof walbaa oo gaadhaa heerka fahamka lacagta waxaa uu bilaabaa inuu rajeeyo halisteeda rajo hanti ma keento balse doonis dhab ah oo maskaxda la galiyo qorshe lagu dhaqaaqo iyo in qorshahaas dhabar adayg lagu daro aan ka baqin guuldarrada taas ayaa lagu gaadhaa hantiilanimada hab aad doonistaadaa hodannimo aad ugu badeli kartid hantida dhabta ah eed doonaysid waa kan

Asagoo ka kooban lix talaaboo dhab ah

TALAABADA KOOWWAD

Masxkaxdaada gali  inta lacag ee aad doonaysid inaad heshid [go’aanso] kuguma

Filna in aad dhahdid lacag badan ayaan doonayaa balse ku dhawaaq tira ahaan inta aad doonaysid {waxaa jirta sabab cilmi nafsi ahaaneed oo keeni in sidaas la sameeyo }

TALLAABDA LABAAD

Caddee waxa aad doonaysid inaad qabatid si aad lacagtaa u heshid { majirto wax layiraahdo bilaash oo ayada oo wax kaabixin aad wax iska helaysid

TALLAABADA SADDEXAAD

Caddee taariikhda aad doonaysid in lacagtaas gacantaada ku jirto

TALLAABADA AFARAAD

La imoow qorshe dhab ah oo aad ku gaadhaysid yoolkaadaas kuna dhaqan diyaarna u ahoow ama ha uhaane

TALLAABADA SHANAAD

Qalin qaado oo qor tirada lacagta aad go’aansatay qor xiliga aad go’aansatay inaad heshid   qor waxa aad doonaysid inaad ku baddelatid lacagtaas iyo qorshaha aad doonaysid inaad ku heshid

TALLAABADA LIXAAD

Maalin walbaa labo jeer oo marka aad seexanaysid iyo marka aad soo toostid akhri oo kor ugu dhawaaq oraahda aad qoratay

Marka aad akhrinaysid waa inaad dareemi kartid oo waliba kuu muuqan karto adiga oo helay lacagtaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *