THINK AND GROW RICH
Xeerkii Saddexaad
ISKA-DHAADHICIN { AUTOSUGGESTION}
Wadada loo maro samaynta caqliga daahdoon
Talaabada saddexaad ee hoddantinimada
ISKA-DHAADHICIN waa eray koobaya hadal ama fariin diris gaarsiinaya
maskaxda qofka kuwaas oo isla qofku isku diray asagu
EREYO kale aan ku sheegno iska dhaadhicin waa in qofku arrin
naftiisa u soo jeediyo { usheego} oo uu doonaayo inuu ka dhaadhicyo
Waa Isku Xireha Labada Qaybood Ee Caqliga Dadka Qaybta Loo Yaqaano Caqliga Soojeeda Iyo Qaybta Kale Ee Loo Yaqaano Caqliga Daahsoon
Marka Fikrad { Mid Xun Ama Mid Wanaagsan } Uu Qofku Ku Celceliyo Caqliga Soo Jeeda Waxay Ugu Danbayn Iskeed Ugu Gudubtaa Caqliga Daahsoon Mana Soo Noqoto
cutubkii kii hore ee doonista tallaabooyin lix ah ayaa lagugu baray halkaas oo tallaabada ugu danbaysay ay ahayd in aad samaysid oraah qoraal oo ah lacagta aad doonaysid in aad arki kartid dareemi kartid adiga oo mar hore lacagtaas helay
Dib Ugu Noqo Lixdii Talaabo Oo Si Fiican Usoo Akhri Mar Labaad Ka Hor Inta Aad Sii Wadin Akhriska
kadib { marka aad soo akhrisid } si ka fiirsi leh u akhri afarta tallaabo ee ka hadlaya maskaxyo isu-gaynta ee ku qoran cutubka qorshe dejinta
xusuunow marka aad akhrinaysid oraahda dalabkaaga { waxa aad doonaysid kaliya akhris kugu ma filnaanayso ee waa inaad dareemi kartid waxa aad akhrinaysid
ha niyad jabin hadii suurto gali waydo marka ugu horaysa ee aad isku daydid inaad dareenkaaga maamushid
xusuunow majirto suurtogalnimada ah in aad wax heshid adiga oo aan wax kaa bixin in aad awood u heshid in aad saamayn ku yeelatid oo adigga aad maamushid caqligaaga waa wax qiimo weyn ku fadhiya waana in aad qiimahaas ku iibsatid ma aha wax aad khiyaano ku heli kartid xitaa haddii aad doonaysid
qiimaha aad ku iibsan kartid in aad awood u yeelatid saamaynta caqligaaga daahsoon waa adigga oo si abid ah ugu dhabar adayga adeegsiga tallaabooyinka aan kor ku soo xusnay
SIDA LABO LAGU DARAY LABO AY RUN U TAHAY AYAY ORAAHDAAN SARANA RUN U TAHAY
XEERKA ISKA DHAADHICINTA OO DADKA HEERAR KALA DUWAN GAARSIIYA WAXAA KOOBAYA BAYDADKAAN GABAYGA AH EE HOOSE
haddii aad malaynaysid in lagaa adkaaday waa lagaa adkaaday
haddii aad malaynaysid in aadan ku dhicin kuma dhici kartid
hadii aad doonaysid in aad guulaysatid balse aad umalaynaysid in aadan awoodin ma awoodi doontid
hadii aad malayn in aad guuldaraysan doontid waa guuldaraysan doontaa
ADUUNKA WAXAA LA OGAADAY INAY GUUSHU KA BILAA MATO MASKAXDA QOFKA AYNA TAHAY MID KU XIRAN MASKAXDA QOFKA