NOOCYADA MAAMULADA IYO HABKA LOO YAGLEELO

Dawladuhu waxay waa yadii hore kala ahaayeen jamhuuriyad iyo boqortooyo

    Boqortooyadu waxay u kala qaybsantaa labo nooc

  1. Boqortooyo soo jireen ah oo mudo dheer soo talinaysay qoyska boqortooyaduna ay xilka soo kala dhaxleen
  2. Boqortooyo dhawaan dhalad ah boqoradeeduna ay maamulka ku cusub yihiin iyaduna labo qaybood ayay uqayb santaa
  3. Boqortooyo cusub oo dhawaan la yagleelay sidii ay ahayd boqortooyadii milan xiligii Francesco Sforza
  4. Dhul cusub oo uu boqorku xoog ku qabsaday oo u ku darsaday dhulkii uu aabbihii ka dhaxlay sida gobolka Napoli ee uu boqorkii spanishku ku darsaday boqortooyadiisa

Boqortooyooyinka xooga iyo muquuninta lagu qabsadaa waxay ahaayeen kuwo u bartay maamulka boqor kale ama kuwo xor ahaa oo gaar u taagan

Inay ku dhacaan gacanta boqor shisheeyena waxay u horseedaa in uu xoog ku qabsado boqorkaasi dadkana ay taloodu faraha ka baxdo ama in ay ayagu doorbidaa in ay ku biiraan boqortooyadaas

   BOQORTOOYADA DHAXALTOOYADA AH

Boqorka dhaxlay boqortooyada dhaxaltooyada ah hana shadeedu ugama baahna xeelad sii ridan oo raydkani wuxuu la qabsaday maamulka boqortooyada marka uu kursiga hanto boqorka xilka dhaxlay waa inuu raad guraa dhabbadii aabbayaashiis ay mareen iyo inuu diyaar u ahaado aafooyinka kadiska ee waayuhu la soo giblan yihiin sidii uu u waajihi lahaa labadaa midh oo qudha ayuu ku ilaanshan karaa si kasta oo uu siyaasad ahaan u taag daran yahay haddii aanay dhicin wax caado jiidh ah oo isaguna aanu talada ku darsan sida in guluf{kooxyar oo fardoolay ah oo dagaal ujeeda }mug iyo miisaan lihi inuu ku soo duulo sidaasna ku waayo kursigiisa balsa hadii sidaas aynu u soo dhignay uu boqorkaasi ahaa mid dhacdooyinka sii odorosa way fududahy inuu si dhibyar kursigiisii ka lumay u soo ceshado haddii uu ka wax taransado fursadaha isdhigashada cawgiisa fursadahaas oo kalana cidii baadigoobtaa ee raadceeyaa aalaaba way haleeshaa

BOQORTOOYADA DHAFAN

Cutubkani wuxuu qoraagu ku faahfaahinayaa sida ay u adag tahay maamulidda boqortooyo dhawaandhalad ahi waxaana tusaale inoogu filan gobalada ka go’ay boqortooyo ay horay uga tirsanaayeen sababtuna ay tahay inay dareemaan in boqorku uu gaboodfal u gaysanayo kacdoonka kadhashaa kocashadoodu waxaa uu gayaysiin karayaa in ay shisheeye u gacan galaan

Hadii uu gobalkaas uu laweego boqor kale gacmo furan ayay ku soo dhaweeyaan ayaga oo ka naawilaaya in uu habeeyo wixii uu kii hore haleeayay cadaaladna uu ku badelidoono gaboodfaladii hore yididiiladaas waa ta ku dhalisa gobalada qaar kamid ahi in ay hubka uqaataan wabaradooda qalalaasahasna waxaa ka wax taransada nacab damac kaga jiro hanashada gobalka kacdoonadaas baddan koodna waxaa soo maleega cadow shisheeye sooyaalkuna waxa uu ka marag kacaya in kacdoonadu hagardaameeyaan gobollada waxaana xaqiiqa ah in ay mudanayaan kud kaguur oo qanjo u guur

Boqorka xooga ku qabsay goboll hor leh waxaa soo abaara jalaafoon mug leh oo dhaca dilka iyo kufsiga iyo maamul xumada ayaa ku baahdo gobalkaa sidoo kale waxaa boqorka suldaaro ku noqota siduu uu isugu laab xaadhi lahaa ciidankiisa gobalka qabsaday iyo bulshada degaanka man awoodo in uu ka badbaadiyo gobolkaas wanqaraha ka dhasha xooga uu ku qabsaday

 Book the prince

CONLUSION

Akhriste waxaaba moodaa in ay nu ka soomali ahaan aan ku sifaysan nahay

Waxaana ogaataa taariikhdu inay soo laablaabato kaliya waxaa is badalay magacii boqortooyo laakin nidaamkii qanuunadii iyo wax wal oo boqortooyada ka jiray maanta waad arkaysaa

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *