THINK AND GROW RICH

Xeerkii Labaad

Rumaysasho { Sawirasho Iyo Rumaysasho Helida Wixii Doonaysay}

Tallaabada labaad ee hodantinnimada lagu

Rumaysashada waa kiimikada ugu weyn ee maskaxda markii la isku daro rumaysashda iyo mawjado fikradeed cagliga daahsoon ayaa mawjadaas markaasba garawsada oo u roga wax dhab ah

Dareenka rumaysnaanta jacaylka iyo galmada ayaa ah dareemada ugu xoogga baddan ee qofka markii saddexdoodaa la isku daro waxay qaabeeyaan fikirka qofka ayaga oo isla markiiba fikraddaas maskaxda gaarsiinaya una gudbinaya qaybta caqliga aan dhamaadka lahayn ee maskaxda

Rumaysnaantu waa halka hodannimada oo dhan ay kabilaamato

Rumaysnaabtu waa waxa keena mucjisooyinka iyo layaabyad ay saynisku sharxi Karin rumaysnaantu waa lidka kaliya ee guuldarrooyinka

Rumaysnaantu waa curiyaha kiimikada ee marka lagu daro duco kugu xiri karta caqliga aan dhamaadka lahayn

RUMAYSNAANTU  waa waxa fikirka qofka caadi ka ah u baddeli karta wax ruuxda u dhigma { awood baddan}

Rumaysnaantu waa habka kaliya ee lagu gaari karo caqli aan dhamaad lahayn

MARKA FAKIRKA LOO GEEYO DAREEMO WAXAA ABUURMAYA AWOOD BIRLAB{MAGNET} OO ADUUNKA KA SOO JIIDATA FIKRADAHA LA MIDKA AH AMA LA XIRIIRA

Haddaba fikirkaa birlabka yeeshay waxaa lala barbar dhigi karaa sida miraha geedka ee carro san lagu beeray taas oo keentay korid iyo tarran ilaa halkii mir isu rogtay  geed     malaayiin mirood oo isla asigii ah soo saaray

QAACIDDADA KALSOONIDA NAFTA

UGU HORAYN waxa aan ogahay inaan awoodo gaadhista yoolkayga nolasha sidaa darteed waxaan naftayda ka doonayaa dhabar’adayg iyo ficil joogta ah waxaana halkaan ka ballan qaadayaa inaan sidaas samayn doono

TAN LABAAD waxa aan ogahay in fikradaha maskaxdayda ku weyn ay ficilkayga ka muuqan doonaan isu baddeli doonaan wax dhab ah sidaa darteed maalin walba soddon daqiiqo ayaan gooni u eegi doonaa oo ka fikiri doonaa qofka aan doonayo inaan noqdo si aan maskaxdayda ugu abuuro muuqaalka qofka aan doonaayo inaan noqdo

SADDEXAAD hadii aan adeegsado xeerka iska dhaadhicinta dooniskasta oon maskaxda kashto waxa ay noqon doontaa mid dhab isu baddesha sidaa darteedna maalin walbaana tobban daqiiqdo ayaan naftayda kula hadli inay isku kalsoonaato

AFARAAD waan meel cad ku qoray qeexida ujeedka nolashayda mana ka daalaayo ilaa aan ka gaadho yoolkaa

SHANAAD waxaan dhab u oga hay in aysan jirin hodannimo iyo heer la gaadho kuwaas oon kufadhin run iyo caddaalad sidaa darteed ma galaayo arrimo aan dan ugu jirin dhamaan cida ka qayb qaadanaysaa waxa aan guul ku gaadhayo   

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *