THINK AND GROW RICH

Xeerkii Saddexaad

ISKA-DHAADHICIN { AUTOSUGGESTION}

Wadada loo maro samaynta caqliga daahdoon

Talaabada saddexaad ee hoddantinimada

ISKA-DHAADHICIN waa eray koobaya hadal ama fariin diris gaarsiinaya

maskaxda qofka kuwaas oo isla qofku isku diray asagu

EREYO kale aan ku sheegno iska dhaadhicin waa in qofku arrin

naftiisa u soo jeediyo { usheego} oo uu doonaayo inuu ka dhaadhicyo

Waa Isku Xireha Labada Qaybood Ee Caqliga Dadka Qaybta Loo Yaqaano Caqliga Soojeeda Iyo Qaybta Kale Ee Loo Yaqaano Caqliga Daahsoon

Marka Fikrad { Mid Xun Ama Mid Wanaagsan } Uu Qofku Ku Celceliyo Caqliga Soo Jeeda Waxay Ugu Danbayn Iskeed Ugu Gudubtaa Caqliga Daahsoon Mana Soo Noqoto

cutubkii kii hore ee doonista tallaabooyin lix ah ayaa lagugu baray halkaas oo tallaabada ugu danbaysay ay ahayd in aad samaysid oraah qoraal oo ah lacagta aad doonaysid in aad arki kartid dareemi kartid adiga oo mar hore lacagtaas helay

Dib Ugu Noqo Lixdii Talaabo Oo Si Fiican Usoo Akhri Mar Labaad Ka Hor Inta Aad Sii Wadin Akhriska  

kadib { marka aad soo akhrisid } si ka fiirsi leh u akhri afarta tallaabo ee ka hadlaya maskaxyo isu-gaynta ee ku qoran cutubka qorshe dejinta

xusuunow marka aad akhrinaysid oraahda dalabkaaga { waxa aad doonaysid kaliya akhris kugu ma filnaanayso ee waa inaad dareemi kartid waxa aad akhrinaysid

ha niyad jabin hadii suurto gali waydo marka ugu horaysa ee aad isku daydid inaad dareenkaaga maamushid

xusuunow majirto suurtogalnimada ah  in aad wax heshid adiga oo aan wax kaa bixin in aad awood u heshid in aad saamayn ku yeelatid oo adigga aad maamushid caqligaaga waa wax qiimo weyn ku fadhiya waana in aad qiimahaas ku iibsatid ma aha wax aad khiyaano ku heli kartid xitaa haddii aad doonaysid

qiimaha aad ku iibsan kartid in aad awood u yeelatid saamaynta caqligaaga daahsoon waa adigga oo si abid ah ugu dhabar adayga adeegsiga tallaabooyinka aan kor ku soo xusnay

SIDA LABO LAGU DARAY LABO AY RUN U TAHAY AYAY ORAAHDAAN SARANA RUN U TAHAY

XEERKA ISKA DHAADHICINTA OO DADKA HEERAR KALA DUWAN GAARSIIYA WAXAA KOOBAYA BAYDADKAAN GABAYGA AH EE HOOSE

haddii aad malaynaysid in lagaa adkaaday waa lagaa adkaaday

haddii aad malaynaysid in aadan ku dhicin kuma dhici kartid

hadii aad doonaysid in aad guulaysatid balse aad umalaynaysid in aadan awoodin ma awoodi doontid

hadii aad malayn in aad guuldaraysan doontid waa guuldaraysan doontaa

ADUUNKA WAXAA LA OGAADAY INAY GUUSHU KA BILAA MATO MASKAXDA QOFKA AYNA TAHAY MID KU XIRAN MASKAXDA QOFKA

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *