WAA MAXAY JOOGTAYNTA CONSISTANCY

Fahamka guud ee joogtaynta waa inaad ku sugnaato shaqo ama howl aad haysay shaqadaa oo si maalin le ah aad usamaysid

  JOOGTAYNTA WAA SIRTA GUUSHA SABAB

Waxaad maskaxda gashataa inaad guul gaarto inaysan ka dhalanaynin shaqo aad samaysay hal daqiiqo waxaad ogaataa inay ku imaanayso waxaad rabtid inaad guul ka kaartaa marka aad juhdi badan galisid

Tusaale hadii aan Ronaldo waydiino oon ku niraahno waa maxay sirta ka danbaysaa guushaada ciyaar yahanimo hal shay ayuu kuugu jawaabi oo ah inuu wakhti baddan galiyay

MIDKEE MUHIIM AH INAAD WAX JOOGTAYSO AMA WAX TIRO BADDAN INAAD  SAMAYSID

Tusaale ila sawiro maxaa dhacayo hadii aan saxan wayn aan meel dhigo maalin kastaana aan ku daro hal dhibic oo biyo ah waa hubaal in saxankaa biyaha ku jiro inay kordhayaan ilaa ka buux samo taasi waxay kuu cadaynaysaa inaad joogtayso waxa aad doonaysid inaad hormar ka gaadho kaliya joogtaynta aad samaynaysid ayaa is badel wayn samaynaya mustaqbalka

Tusaale kale kawaran maalintii hadii aad siisid 30saqiiqo xirfada aad doonaysid inaad baratid

30daqiiqo/maalinkasta

     Bishii

=900daq=15saac

Sanadkii

=1800daqiiqo=180saac haddii aan kadhigno maalin waa 7maalin iyo badh hayaraysan waligaa wakhtiga aad galinaysid haku si foowin tusaalihii ama maahmaahdii wax badso wax bayl ayey keentaa

SIDEED KU DHISAN KARTAA CAADO INAAD JOOGTAYSO HADAFKAAGA

 Raac talaabooyinkaan todobada ah

Mida koowaad waxaan xadidaynaa ama aan dooranaynaa waxa aan rabno si maalin ah inaan u samayno tusaale waxaad rabtaa inaad maalin walba oradid 30daqiiqo

Talaabada labaad waa inaad sabab aad leedahay 30 daqiiqo maalin walbaa maxaad u ordaysaa iskaba dheh sababta aan u ordaayo maalin walbaa 30daqiiqo waa inaad miisaanka iska yareenaayo

Talaabada saddexad waxaan is waydiinaynaa waa maxay faaidada ku jirtaa inaan 30daqiiqo aan ordo maalin walbaa

Faaidada 1caafimaad

Faaidada 2jirka ayaa kuu qurux badnaanaaayo

Talaabada afaraad qor caqabadaha aad filayso inay dhacaan hadii aad ku dhaqaaqdo arintaas aad dooratay markaad qorto is waydii tani ma caqad dhab aa mise maaha kabsooqaad inaad leedahay mashquul kayga ayaa baddan

Talaabada shanaad kaliya waxaad samaynaysaa waxaan dhahayaa 5daqiiqo kaliya ayaan ordayaa maalinkii marka markasta isku day inaad wax fudaydiso

Talaabada lixaad samayso saaxiibo wanaagsan oo jecel hormar kaaga si aad u gaarto yool kaada

Talaabada todobaad haddii aad daraynto niyad jab ama daal xasuuso waxaan talaabadii 2 iyo midii 3xaad aan ku soo qornay midaasaa kuugu dhiiri galinayso inaad xaqiijiso hadaf kaaga dhib malaha inaad qaadato nasiino ama jawiga aad badelato laakin ha ku dheeraan nasiinahaas  

CONLUSION

Xasuusnow majiro wax aad sidud kuhelayso adigoon daalin haba yaraatee wax yaalaha faaidada leh si aad u kas bato waxay qaadanaysaa wakhti ha umaleenin wakhtigaas uu qaadanayo sababtiisa inay tahay in uu waxaas uu u adag yahay waxaa dhici karta inuu fudud yahay laakiin adiga aadan aqoon wadada saxda ah ee loo maro waxaasi marka meel dhexe ha oga tagin ee raadi wadada ugu haboon ee loomaro mana raadin kartid waxaasi ilaa aad joogtayso waxaasi

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *